Aar Maanta: Isku Xiraha Fankii Shalay iyo Fanka Maanta!

Fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, oo ay dad badani ku qaddariyaan inuu yahay boqorka masraxa, ayaa maalin dhoweyd ku amaanay Aar Maanta inuu yahay isku xiraha fankii hore iyo kan casriga ah ee Soomaaliyeed.

Anigoo ah suxufi, kana mid ah dadka jecel fanka markii aan arkay ammaanta Samatar ee ku wajahan Aar Maanta ayaan is waydiiyay labo suaalood; Waa ayo Aar Maanta? Miyuuse u qalmaa ammaantaas?

Shabakadaha caalamka ayaan baaray, dad aqoon u leh fannaankana waan wareystey, si aan u ogaado taariikhda Aar Maanta iyo wuxuu ku mutaystay amaantan.

Aar yaraantiisii intii uu Soomaaliya joogay ayuu xiiseyn jiray fanka, oo qeyb ka ahaa noloshiisa. Hase yeeshee markii uu tegay Britain wuxuu keli ku noqday nolol iyo dhaqan ku cusub, wuxuuse isku dayay inuu raadiyo miyuusig, isagoo rumeysnaa in dalka uu tegay uu yahay hoyga suugaanta casriga ah. Miyuusigga siduu u baran lahaa ayuu iskuul u galay, kaddibna jaamacad.

Habeen habeennada ka mid ah Aar isagoo xiriirinaya masrax ayaa la waayay fannaankii heesi lahaa, markiiba qof ay saaxiibo yihiin ayaa kula teliyay inuu beddelo fannaanka la waayay, oo uu meesha ka heeso, habeenkaas ayaa ugu horreysay masrax uu ka heeso, heestii koowaad markii ay dadweynihii ka heleen ayuu ogaaday inuu heesi karo, waxayna u noqotay billow fiican, oo ilaa maanta wuu heesaa, waana fannaan dal iyo dibadba laga jecel yahay.

Aar Maanta si madaxbannaan ayuu u sameystaa miyuusigga, soo saarista heesaha iyo curinta erayada, waxaana u shaqeeya istuudiye uu isagu leeyahay. Wuxuu fankiisa uga hadlaa: Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida, Dhibaatooyinka dagaallada sokeeye iyo qurbaha, dareenka nolosha, jaceylka iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Aar Maanta waa fannaanka keliya ee dhallinyaro ah oo si toos ah masrax uga heesa, iyadoo loo garaacayo miyuusig toos ah (live music). In badan wuxuu isku dayay inuu isku keeno dhallinyaro Soomaaliyeed, oo ay koox wada noqdaan, laakiin taasi uma aanay suuragelin. Inkastoo hadda uu leeyahay koox ka kooban dhallinyaro dalal kala duwan u dhalatay sida Talyaani, Ingiriis, Polan iyo Mali, oo uu isagu aasaasay sanadkii 2008.

Aar heesihiisa muuqaalka ah, waxaa lagu dhex arkaa waxyaabo ka tarjumaya heesta, sida ficillo xoojinaya dareenka ay heesta gudbineyso ama sheekada ay xambaarsan tahay. “Waxaan doonayaa in aan wax la qaybsanno dunida kale oo aan sidooda wax heer sare ah sameyno, waxaana doonayaa heesahaygu waxey ka hadlayaan in ay ka muuqdaan videoga” ayuu yiri Aar.

Markaan dib u milicsaday heesaha fanaanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta, waxaa ii soo baxday inuu jeexday dhabbe cusub, oo uusan ku xadgudbin fannaaniintii waaweyneyd ee Waaberi, sidii ay sameeyeen dhallinyarada qurbaha ka soo heesta ee iska qaata heeso hore oo ay u badan yihiin kuwa boqorka masraxa Xasan Aadan Samatar.

Baaritaankeyga waxa kale oo iiga soo baxday in dhallinyarada qurbaha heesaha ka soo qaada, uu Aar u yahay tusaale fiican, maxaa yeelay wuxuu ahaa fanaaniintii ugu horeeyey, ee dagaalkii iyo burburkii Soomaaliya kadib, la gole yimid hal-abuur iyo heeso cusub oo dareen leh, miyuusig casri ah oo u gooni ah iyo muuqaallo sheekooyin wata, kuwaasoo u horseeday inuu kasbado taageerayaal tiro badan.

W.D: Abdirahman Taysiir

Links-yada hoose waxaad ka daawan kartaa qaar ka mid ah heesaha muuqaalka ah ee uu Aar sameeyay:

6 thoughts on “Aar Maanta: Isku Xiraha Fankii Shalay iyo Fanka Maanta!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *