Saado Cali oo Sabtiga ruxeysa South Afrika

Fanaanadda Qaranka Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame ayaa maalinka Sabtida habeenkeeda oo ay taariiqdu ku beegan tahay 09- Oktober 2010-ka Bandhig faneed aad u xiisa badan ku qaban doonto magaalada Cape-town ee dalka South Africa.

Bandhig faneedkan oo ah mid si weyn umaqsuud gelin doono bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfur africa, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka western cape ayaa waxaa uu ka dhacayaa magaalada Cape-town, gaar ahaan jaamacadda Bellville South.

Hadaba tikidku waxaa uu bilaabanayaa saacaddu markey tahay shanta galabnimo (5:00PM) ee xiliga South Africa, iyadoo bandhig faneedkaan aadka u xiisaha badan ay iyana si toos ah u bilaaban doonto sideeda fiidnimo (8:00PM) ee isla waqtiga k/africa.

Wixii faah faahin ah oo intaasi dheer kala xiriir guddiga qaban qaabada oo aad ka heli kartid taleefan lambarkan:

+27833695586
ama xafiiska calanka ee S/africa +27735137388

Source

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *