Wareysi Nimco Dareen: Oodweynenews

London(Oodweynenews) – Waxaan jecelahay inaad kusoo dhawaataan waraysi gaar ah oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay Fanaanadda Caanka ee Nimco Cabdi (NIMCO DAREEN) oo safar ku Maraysa wadanka Maraykanka waxaanay ka warantay ujeedada Safarka iyo Waxay kala kulantay wadankaas.

Nimco Dareen ayaa waxay tahay Fanaaniinta aadka looga jecel yahay daafaha Caalamka hadal haynteeduna ay aad u badan tahay , Nimco oo sheegtay safarkan ay ku marayso wadanka Maraykanka uu ku saabsan yahay Bandhig Faneed, waxaanay aad ugu mahad celinaysaa dadka ku nool wadankaas oo kusoo dhaweeyey gacmo furan.

Hadaba maantana waxaad waraysigan ku maqli doontaan sida kulul ay Fanaanadda Qaaliga ee Nimco ah sheegtay in Maqaal been abuur ah oo lagu caayayo lagu qoray shebekedda Calanka .com , Waxaanay Nimco tilmaantay inaanay haboonayn in Shebekedaha laysku caayo , waxana ay tilaamtay in ninka qoraalka qoray oo isku magacaabay Cisman Fantastic uu u adeegsaday shebekadda Calanka.com ujeedo gaar u ah oo aanan garanayn.

Nimco Dareen oo sheegtay inuu Ninkaasi qoraalkaas ka saaro iskuna xishoodo, waxanay Inta Fanka Jecel ay u sheegaysaa inaanay waxba ka jirin qoraalkaas,waraysigaas xiisaha badan waxa la yeeshay wariyaha Oodweynenews ee Magaalada London Ibraahim Armani ee dhegaysi wanaagsan waraysigii oo dhamays tiran.

  • Dhegeyso Nimco Dareen Wareysi

Source

1 thought on “Wareysi Nimco Dareen: Oodweynenews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *