Facebook ma faa’iidaa, mise waa faduul?

Facebook waxaa isticmaala shan boqol oo milyan (500, 000, 000) oo ruux, oo ka mid ah dadka aduunka ku nool. Sanadkan waxaa la sheegay in uu facebook qiimihiisu uu yahay kontan bilyan oo dollar-ka Maraykanka ($50 billion USD). Heerkan wuxu ku gaadhay todobo sano oo kaliya. Waxaana sandkii hore laga sameeyay filim la yidhaahdo “The Social Network”.

Facebook waa ganacsi wanaagsan. Lakiinn Facebook isticmaalkiisu ma faa’iidaa mise waa faduul? Waxaad akhridaan qodabadan hoose oo ina tusaya xumaantiis iyo wanaagiisa:

  • Facebook wuxuu hoose u dhigaa wax qabadka shaqo ee dadweynaha aduunka.
  • Facebook wuxuu waxyeelo u leeyahay caruurta.
  • Facebook wuxuu inaga jaraa aduunka nolosha dhabta ah.
  • Facebook wuxuu abuuraa walwal iyo xanuun deganaan la,aaneed oo dadweynaha dhexdiisa ah.

Hadiiba aad adigu sifiican u isticmaashid, kolayba waxaa si dadban kuu soo gaadhi xumaanta saaxiibkaa saaxiibkiis.

Lakiin facebook xumaan uun ma aha. Facebook wuxu ku fiicanyahay:

  • Si  sahal ah ayaad ula xidhidhi qoyskaaga iyo asaxaabtaada
  • Si dhib yar ayaad saaxiibo ku samaysan kartaa
  • Wax badan ayaad ka baran kartaa saaxiibada Facebook

Si gaar ah waxaan isleeyahay Fanaaniintu way ka faa’iidaysan karaan Facebook, hadii ay samaystaan golo faneed “Fan page”. Sidan hoose oo kale;

  • Fanaaniintu way kordhin karaan taageerayaashooda fanka.
  • Fanaaniintu waxay toos ula hadli karaan taareega faneedyadooda.
  • Fanaaniitu si toos ah ayey taageerayaashooda u gaadhsiin karaan marka ay hees cusub soo saaraan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *